Noloshayda Noorway

Dhegayso waxyaalihii soo maray Badria, oo akhriso macluumaad ku saabsan bulshada Noorway oo ku qoran af-soomaali

Maxaad samayn kartaa maanta?

Soo hel urur ka shaqeeya meesha aad degantahay oo is qor inaad tahay samofale. Waxay kaa caawinaysaa inaad barato luuqadda, samaysato shabakad, waana furaha lagu helo shaqooyinka. Waxa qofku geli karaa frivillig.no inkastoo aanu aqoonin luuqadda. Waxa qofku booqan karaa bogga internetka ee ururrada samofalka sameeya ama waxa la weydiin karaa shaqaalaha xidhiidhka ee jooga kaamka.

In shaqo la raadsadaa waa hawl adag

Waxaan diray 100 codsi ka hor intaanan helin shaqo. Marnaba ha quusan. Laakiin waxaan hadda helay shaqo aan ahay xisaabiye. Mar haddii aad hesho shaqo waxaad helaysaa khibrad kuu fududaynaysa shaqo raadsiga dambe. Isla markaana waxaad helaysaa shabakad weyn oo ka kooban dad marka dambe ku ogeysiin kara shaqooyin kale oo bannaan. In kale akhriso.

Samayso dad lagaa waraysto

Shirkadaha/goobaha shaqada bixiyaa wax inta badan ma daneeyaan khibradaha shaqo ee aad kala timi waddankaaga hooyo, oo waxay inta badan daneeyaan khibradaha aad ka heshay Noorway. Marnaba ha ilaabin inaad shaqadaada ka hesho qof/dad lagaa waraysan karo, isla markaana ilaasho macluumaadka qofkaas. Waxa fiican inaad haysato qof lagaa waraysan karo oo si fiican u yaqaana Noorway iyo dhaqanka noorweyjiga.

Isbeddelku wuxuu iman karaa hadda

Wakhtiga ugu wacan ee isbeddel bilaabi karto waa hadda. Ka feker waxyaalaha aad rabto inaad samayso, waxyaalaha aad jeceshahay inay kuu hirgalaan. Hadda ku dhaqaaqa hawlahaas. Ha ka fekerin waxyaalaha adag ee aan la samayn karin. Hadda ma baran kartaa luuqad? Haa waad baran kartaa. Haddii aad isticmaasho ereyada ah lama samayn karo, waxaad joojinaysaa horumarkaaga, dhinaca waxbarashada iyo shaqooyinkaba.

Shaqada samofalka ah ayaa i caawisay. Shaqooyinka samofalka ah waxaan ku bartay saaxiibo cusub oo badan iyo dad la iga waraysan karayey markaaan shaqo codsado. Waxaan u kala guuray saddex magaalo oo ku yaala Noorway, magaalo kastana waxaan ka soo qabtay hawlo samofal ah.

Badria oo ka timi Soomaaliya

Baro qaabkaan ku noqday samofale iyo sida tartiib-tartiibta ahayd ee aan ku bartay luuqadda. Arrintani waxay ahayd mid noloshayda wax ka beddeshay marka la eego dhinaca dib dhiska isku-kalsoonantayda, isla markaana waxaan helay tamar aan ku muujiyo hibooyinkayga dibna ugu bilaabo noloshayda.

Trykk på CC i verktøylinja på filmen for å endre undertekst

DIGITALE ERFARINGSMØTER

Følg med direkte på Youtube eller Facebook for samtaler fra personer med vellykkede integreringshistorier å formidle.

Under ser dere våre tre sendinger på somali med Badria som programleder.

Publisert Torsdag 10.06.21 kl. 14.00

Dal cusub dhaqan cusub xeerar cusub

Publisert Torsdag 17.06.21 kl. 14.00

Muhiimadda xiriirka bulshada iyo barashada luuqada

Publisert Torsdag 24.06.21 kl. 14.00

Xiriirka ka dhaxeeyo suuqa Shaqada iyo waxbarashada Norway

Maktabad

Macluumaad muhiim ah oo ku saabsan shaqooyinka, waxbarashada iyo bulshada Noorway ah oo ku qoran af-soomaali.

Dersom du ønsker å snakke om din situasjon med noen av våre frivillige på enFASE, eller ønsker veiledning ved Caritas ressurssenter, kan du fylle ut skjemaet under.

Vi vil besvare din henvendelse i løpet av kort tid. Alle henvendelser vil bli behandlet konfidensielt, og vi vil ivareta ditt personvern i hehold til gjelde lover.

NA SOO WAC

Telefoon: 404 28 450

Nala soo hadal hadaadan rabin inaad ku wada hadashid sheekada. Waqtiga taleefanka ayaa la mid ah saacadaha furitaanka wada hadalka waxaana maamula mutadawiciin.