SHAQO

WAXBARASHO

BULSHO

SHAQO

Sidee loo helaa shaqo

In la shaqeeyo ayaa laga yaabaa inay tahay waxa ugu muhiimsan marka la rabo in si wacan loo dhexgalo bulshada Noorway. Shaqadu waxay ka qabqaadataa kordhinta ka mid ahaanshaha bulshada waayo waxay tahay meel laga lagu barto shabakad dad ah iyo bulsho. Waxay kordhinaysaa aqoonta qofka ee ku saabsan bulshada Noorway, habka la isu fahmo iyo dhaqannada ka jira goobaha shaqooyinka. Isla markaana waxa shaqadu keentaa in qofku isku filaado oo noqdo qof madaxbannaan oo ka tirsan bulshada. Iyo arrinta dadka intooda badan ugu muhiimsan, oo ah in shaqada laga helo lacag mushahar ah oo keenaysa madaxbannaani dhaqaale.

Haddii aad degantahay xero qaxootiga (kaam) waxa laga yaaba in aan laguu ogolayn inaad shaqayso. Waxa jira xeerar gaar ah oo khuseeya dadka magangelyada codsaday. Dadkaasi ma laha xuquuq la mid ah ta qofka haysta ogolaanshaha joogitaanka ama muwaadinimo Noorweyji ah, laakiin waxaad xaq u yeelan kartaa inaad shaqaysato wakhtiga aad sugaysid jawaabta codsigaaga magangelyada ama waxaad wakhtiga ku isticmaali kartaa inaad kordhiso aqoontaada, kordhinta shabakadda dadka iyo barashada luuqadaha. Shaqaalaha kaamka ka warayso arrimahaas. Qof kasta oo haysta ogolaanshaha joogitaanka waxa uu xaq u leeyahay inuu ka shaqeeyo Noorway.

Boggan waxaad ka helaysaa macluumaad ku saabsan ka shaqaynta Noorway oo wata cinwaannada boggag internet oo aad ka heli karto macluumaad faahfaahsan. Ogow, inta badan boggagaas internetku waxay ku qornaan doonaan af-noorweyji ama ingiriisi, markaa haddii aad si kugu filan u fahmi weydo afafkaas waxaad la soo xidhiidhi kartaa adeegga tilmaansiinta ee aanu hayno ama luuqadaada ayaad ku samayn kartaa wadahadal qoraal ah (chat).

Ka shaqaynta Noorway waxa aannu ku soo koobnay shan tallaabo. Waxa laga yaabaa in qaar ka mid ah ku khusaynin adiga, laakiin waxannu ku dedaalnay in aannu kala soocno macluumaadka taasoo keenaysa inaad hesho inta khusaysa xaaladaada.
Waxannu ka bilaabaynaa macluumaad ku saabsan ogolaanshaha joogitaanka waddanka oo qofka u ogolaanaya inuu galo shaqo leh mushahar. Intaas kadib, waxannu sharrixi doonnaa habka aad marayso haddii aad rabto in Noorway laga aqoonsado waxbarashooyinka aad hore u soo qaadatay maadaama ay macno weyn u lahaan karto nooca shaqada ee aad mustaqbalka qaban kartid. Waxa kale oo aannu sharrixi doonnaa shuruudaha ku saabsan aqoontada luuqada ee looga baahanyahay suuqa shaqada. Ugu dambayntiina waxannu haynaa macluumaad ku saabsan haysashada aqoonta looga baahanyahay shaqada aad jeceshahay inaad hesho, samaysashada shabakad dad ah iyo meelaha aad ka ogaanayso shaqooyinka bannaan, qaabka aad u qori karto codsi wacan isla markaana ugu sii wanaagsanaan kartid waraysiyada shaqada.

Waddan kasta waxa uu leeyahay nidaam waxbarasho oo u gaar ah.Waxa jiri kara waxbarashooyin lagu qaato jaamacadaha ama machaddada sare ee Noorway, laakiin waddamo kale lagu qaato dugsiyada sare. Waxa tusaale ahaan ka mid ah waxbarashooyinka kaalkaaliyaha caafimaad ama macalinka dugsiyada hoose/dhexe. Xataa waddamada Yurub waxa ka jiri kara nidaamyo kala duwan, taasoo sabab u noqon karta in si khaldan wax loo fahmo. Markaa waxa haboon in la qiimeeyo waxbarashada iyo xirfadda qofku wato oo la barbardhigo waxbarasho la mid ah oo laga helo Noorway si markaa gebi ahaan ama qayb ahaan loogu aqoonsado inay ka mid tahay waxbarasho lagu qaato Noorway.

NOKUT ayaa aqoonsan karta waxbarashada sare ee lagu soo qaatay waddamada kale marka laga reebo xirfado sharcigu nidaamiyo oo u baahan shati gaar ah.

Waxa jira nidaamyo kala duwan oo lagu aqoonsado waxbarashada. Ogow, waxbarashadaada iyo waxa aad ku isticmaali doontid waxbarashada ayaa u muhiim ah nidaamka aqoonsiga ee aad isticmaalayso. Halkan waxa aynu ku eegi doonaa waxyaalo muhiim ah oo ay ku kala duwan yihiin. Ma la hubo inay aqoonsan doonaan waxbarashada aad ku soo qaadatay waddankaagii.

  • Aqoonsiga guud ee waxbarashada sare: Waxa loogu talogalay qofka digirii ka soo qaatay jaamacad ama machad sare, ama soo qaatay qaybo ka mid ah waxbarasho sare.
  • Aqoonsiga waxbarashada xirfadda ah: Waxa loogu talogalay qofka dhammeeyey waxbarasho xirfad ah (tusaale ahaan nijaar, tuubiste, timojare iyo rinjiile).
  • Nidaamka dadka haysan dhukumentiyo la soo xaqiijin karo (nidaamka UVD):: Nidaam loogu talogalay dadka aan cadayn karin waxbarashadooda.
  • Qiimaynta aqoonta ku salaysan khibradda: Aqoonta ka timi khibraddu waa dhammaan aqoonta qofku ka helay shaqooyinka uu soo qabtay ee lahaa ama aan lahayn mushahar, aqoon korodhsi, hawlahii xilliyada firaaqada ama waxyaalo kale oo u sii dheer aqoonta lagu xaqiijiyey waxbarasho aasaasi ah.
  • Aqoonsiga xirfadaha sharcigu nidaamiyo: Waxa loogu talogalay qofka u baahan in la siiyo shatiga xirfad uu sharcigu nidaamiyo. Tusaale ahaan dhakhtar, sharci-yaqaan, ama xisaabiye. Taabo halkan si aad u aragtid liis ka kooban xirfadaha sharcigu nidaamiyo.

Baasaboorka Aqoonta ee qaxootiga
Fursadani waxay ku haboontahay qofka aan ka qaybgeli karin nidaamka aqoonsiga guud ee NOKUT, isla markaana aan hoos iman karin nidaamka UVD.

  • Haddii aanad aqoon kugu filan u lahayn af-ingiriisiga, af-noorweyjiga ama luuqad kale oo iskaadinayfiyaan ah.
  • Haddii aanad haysan ogolaansho joogitaan oo rasmi ah
  • Haddii aanad haysan waxbarasho sare oo aad dhammaysay

Baasaboorka aqoontu waxa uu ka koobanyahay macluumaad ku saabsan waxbarashadaada ugu saraysa, khibrada shaqada, aqoonta luuqadaha, iyo talooyin iyo tilmaamo ku saabsan waxyaalaha aad u sii gudbi karto. Baasaboorka aqoontu waxa uu shaqaynayaa saddex sanno. Waxa hadafku yahay inaad muddadaas ku bilowdo shaqo ama waxbarasho sare, ama aad kordhiso aqoonta luuqadaha, ama haddii aad u baahantahay aad fursad u hesho inaad codsatid aqoonsi waxbarasho oo rasmi ah ama shati xirfadeed. Si ay suurtagal u noqoto waa inaad marka hore aad NOKUT ka codsatid aqoonsiga waxbarashada sare.

Marka aad isu diyaarinayso sidii aad shaqo uga heli lahayd Noorway waxa wacan inaad xilli horeba ka fekerto labo qaybood oo muhiim ah oo ka tirsan hawshaada ku saabsan dhexgalka bulshada, kuwaas oo kala ah samaysashada shabakad iyo kordhinta aqoontaada.

Labaduba waxay muhiim u noqon karaan helitaanka shaqada aad rabto. Samaysashada shabakad waxa looga jeedaa kordhinta dadka aad ka taqaanid Noorway, sida saaxiibada iyo dad aad hawlo shaqo isku barateen. Aqoonta waxannu uga jeednaa waxyaalaha aad baratay ama aad taqaano oo aad shaqo ku qaban karto. Inta badan waxaad u baahan kartaa inaad kor u qaado aqoontaada, taasoo macnaheedu yahay inaad wax cusub barato ama aad xoojiso waxyaalaha aad taqaano adigoo qaadanaya koorasyo, waxbarasho iyo/ama khibrad shaqo.

Si aad u qeexdid baahidaada waxaad isku tijaabin kartaa inaad ka jawaabtid su’aalahan:

Maxaan rabaa inaan helo?
Waa maxay hadafkaagu? Haddii hadafkaagu yahay inaad hesho shaqo waxa wacnaan karta inaad ogaatid nooca shaqada ee aad rabto. Soo hel macluumaad ku saabsan suuqada shaqada ee Noorway qaybta shaqooyinka aad rabto, shuruudada aqoonta ee la iska rabo, halka aad kula kulmi karto dad ku khuseeya ama sida aad u heli lahayd khibrad shaqo muhiim ah. Iskaa ayaad macluumaad ka raadsan kartaa internetka ama shabakada dadka ee leedahay ayaa weydiisan kartaa macluumaad. Bogga utdanning.no waxa ku qoran macluumaad badan oo ku saabsan waxbarashada iyo shaqooyinka.

Dadkee aqaanaa anigu?
Kadib marka aad samaysatid hadafka nooca shaqooyinka aad rabto, waxa wacnaan karta inaad ka fekerto dadka aad ka taqaano Noorway ee ku siin karo talooyin, kula wadaagi kara waayo-aragnimo ama qaab kale kuu taageeri kara marka aad raadinayso shaqadaas. Marka aad tahay qof ku cusub Noorway waxay u badantahay inaad dad badan ka aqoonin halkan, weliba marka aad degantahay kaamka qaxootiga. Adiga ayaa ka masuul ah inaad dhisto shabakad ka balaadhan dadka aad ka taqaano kaamka. Hadafkaaga ku saabsan inaad hesho shaqo ayaad ka dhigan kartaa wax kugu dhiirigeliya inaad si cusub u fekerto oo aad tagto goobaha aad ku baran karto dad cusub, tusaale ahaan maktabadda, shaqooyinka samofalka ah, ururrada ama naadiyada wakhtiga firaaqada. Qof kasta oo aad barato ma noqon karo qof saamayn ku leh hadafkaaga, laakiin waa talaabada u horaysa ee suurtagelin karta inaad barato dadka aad u baahantahay.

Maxaa la iga heli karaa?
Haddii aad rabto inaad wax hesho, waa inaad adna wax bixiso. Si aad u barato dad cusub una balaadhiso shabakaddaada waa inaad ahaato qof macno leh oo wax laga helayo. Arrintan waxa tusaale wacan u ah shaqooyinka samofalka ah. Haddii aad samafale ka noqotid hawl ama shaqo waxa aad bixinayso waa wakhtigaaga iyo aqoontaada oo aad siinayso dad u baahan, sidaasna waxaad ku baraynaysaa dad cusub oo aad la yeelanayso xidiidh cusub. Marka ay shabakadaadu weynaato waxa sii badanaya jaaniska barashada dad ku siin kara talooyin ama macluumaad muhiim ah marka aad raadinayso shaqada aad rabto. Marka laga tago shabakada, waxa kale oo shaqada samofalida ah aad ka heli kartaa khibradda shaqo ee kaa maqan ama dad lagaa waraysan karo marka aad ku jirto hawsha shaqo-raadinta, ama haddii aad rabto inaad kiraysato guri. Macluumaad ku saabsan shaqooyinka samofalka ah ka eeg hoosta qaybta «bulshada».

Waddanka Noorway waxa codsiyada ku saabsan ogolaanshaha joogitaanka ka masuul ah UDI (Hay’adda Agaasinka Arrimaha Ajnabiga). Waxyaalaha lagu codsan karo ogolaansho joogitaan waxay noqon karaan waxbarasho sare, shaqo, midayn qoys, magangelyo caalami ah, booqasho ama au apair (caawiye guri). Qiyaasta wakhtiyada la sugayo jawaabta kiisaska UDI waxaad ka heli kartaa halkan.

Marka uu qofku helo ogolaansho joogitaan oo ku salaysan mid ka mid ah sababaha kor lagu soo sheegay, waxa caadi ahaan qofku helayaa xuquuq iyo waajibaadyo kala duwan. Tusaale ahaan, haddii qofka la siiyo ogolaansho joogitaan oo ku salaysan waxbarasho sare oo lagu qaadanayo Noorway waxa qofka caadi ahaan loo ogolaan karaa inuu shaqo mushahar leh ka shaqeeyo saacado kooban toddobaad kasta. Go’aan kasta oo ku saabsan joogitaan oo ka soo baxa UDI waa mid u gaar ah qofka, taas darteed waxa aad u muhiim ah inaad sugto qoraalka go’aankaaga kadibna lagaa caawiyo inaad si wacan turjumato oo u fahanto. Waxa jira ururo kala duwan oo aad la xidhiidhi kartid si lagaaga caawiyo fahamka go’aanka codsiga.
Caritas ayaa ku caawin karta, oo kaa caawin karta wadahadal qoraal ah (chat) oo ku jira enfase.no ama telefoonka 40428450. Ama waxaad nagu soo booqan kartaa xaruntayada ku taala Oslo (Ressurssenteret i Oslo).

Ururka u Dooda Magangelyo-doonayaasha Noorway, NOAS, ayaa kaa caawi karta inaad fahanto go’aanka codsiga magangelyokuuna sheegi karta xuquuqda ka cabashada go’aanka ee aad leedahay. Waxaad NOAS ka wici kartaa 22365660.

Waxaad xaq u yeelan kartaa inaad shaqaysatid adiga oo sugaya jawaabta codsiga magangelyada. Booliska ayaad ka codsan kartaa ogolaansho shaqo oo ku meel gaadh ah. Ogolaansho shaqo oo ku meel gaadh ah waxaad heli kartaa marka:

  • Aad martay waraysigii magangelyada (ama aad ka soo jeedo Suuriya, Ereteriya ama Turkiga), iyo
  • Aad haysato baasaboor shaqaynaha (ama degantahay kaamka dhexgal u diyaarinta isla markaana aan UDI wax shaki ah ka qabin qofka aad tahay)
  • Aad weli helin jawaabta codsi ku saabsan magangelyo

Macluumaad kale oo ku saabsan sababaha lagu codsan karo ogolaansho joogitaan, muddooyinka la sugo jawaabaha iyo tusaale ahaan shuruudaha lagu xidho cadaynta/dhukumentiyada waxaad ka helaysaa boggaga internetka ee UDI: www.udi.no ama haddii aad wacdo adeegga macluumaadka ee UDI veiledningstjeneste oo lambarkiisu yahay 23351600, isniin, salaasa, khamiis iyo jimce saacadaha 09:00- 14:30.

Dhibaatooyinka luuqadda iyo aqoonta af-noorweyjiga oo hoosaysa ayaa ah sababta ugu muhiimsan ee keenta in dadka ku cusub Noorway ay ku adkaato inay helaan shaqo. Taas darteed waxa muhiim ah inaad bilowdo barashada luuqadda sida ugu dhakhsaha badan marka aad timaado Noorway. In la barto luuqad cusub marnaba ma noqonayso wakhti khasaaray.

Waxa jira koorasyo, barmaamijyo iyo fursado caawin ah oo aad isticmaali kartid si aad af-noorweyjiga u baratid degdeg. Marka lagu siiyo ogolaansho joogitaan waxaad marka dambe bilaabi kartaa barmaamijka bilowga ee ajnabiga cusub oo aad bilaash ku baran kartid luuqadda. Inta badan barmaamijyada kale waa lacag. Waa kan liis ka kooban barmaamijyada kale:

Laakiin waxa jira fursado badan oo aad iskaa wax ku baran kartid xilliga aad degantahay kaamka. Waxaad tusaale ahaan isticmaali kartaa maktabadda kuu dhow iyo internetka oo aad ka heli karto layliyo af-noorweyji ah oo bilaash ah. Kaamka aad degantahay waxa uu hayn karaa fursado kala duwan oo lagu barto luuqadda iyo hawlo kale oo ay isku dubarideen ururada samofalka ah. La xidhiidh la-taliyahaaga ama shaqaalaha kaamka si aad u hesho liiska u dambeeyey ee laga helayo fursadaha adiga ku khuseeya. Waxa kale oo muhiim ah inaad ku dhiiratid ku hadalka af-noorweyjiga marka aad la hadlayso dadka meesha kula degan, shaqaalaha kaamka, dadka saaran baska ama jooga dukaanka kuu dhow. Arrintani waa cashar muhiim ah oo keeni kara in dhiirigelinta iyo niyad-wanaagu sii kordho. Luqaaddu waa farxad!

Heerarka aqoonta luuqadda waxa loo qaybiyaa 6 heer oo ay ugu hoosayso A uguna sarayso C. Halkan waxannu ku qornay warbixin kooban oo ku saabsan heerarkaas oo aad isla markaana ka heli karto Kompetanse Norge (Aqoonta Noorway):

A1 – Fahanka iyo isticmaalka weedhaha la wada yaqaano ee caadiga iyo hadallo aad u fudud.

A2 – Ka qaybgalka wadahadallo fudud oo ku saabsan hawlaha caadi ah oo ka mid ah waxyaalo qofku yaqaano.

B1 – Waxa qofku fami karaa macnaha guud ee qoraal iyo hadal ku saabsan mawduucyo uu garanayo oo uu inta badan kula kulmo shaqada, iskuulka iyo wakhtiga firaaqada.

B2 – Waxa qofku fahmi karaa nuxurka muhiimka ah ee ku jira qoraalo iyo doodo cilmiyeed oo ka mid ah waxa uu bartay.

C1 – Waa heer aqooneed oo sare oo loo baahanyahay marka laga shaqaynayo waxbarasho ama shaqooyin adag.

Shuruudaha luuqada ee shaqooyinku way kala duwanyihiin iyadoo ay hadba ku xidhan xirfadda iyo nooca shaqada. Halkan hoose waxa ku qoran tilmaamo ku siinaya qiyaas ku saabsan shuruudaha luuqada ee looga baahanyahay suuqa shaqada:

Shaqooyinka u baahan A2:
Shaqooyinka nadaafadda ee degmada Oslo

Shaqooyinka u baahan B2:
Boosaska shaqada ee rasmiga ah ee shaqaalaha xirfadaha caafimaadka iyo kalkaaliyeyaasha daryeelka ee ka shaqeeya xarumaha bukaanka
Shaqaalaha xannaanada carruurta
Darawallada tagsiga iyo basaska
waa shuruud rasmi ah oo ay rabto degmada Oslo

Shaqooyinka u baahan B2/C:
Shaqaalaha caafimaadka ee haysta waxbarasho sare: Dhakhtar, kalkaaliye caafimaad, umuliso iwm. Maaha shuruud dawladeed oo laga isticmaalo Noorway, laakiin cida shaqada bixinaysa ayey ku xidhantahay. Laakiin waxa ay dawladda hoose ee Oslo shuruud ka dhigtay in ay C1 ka gudbaan dhammaan shaqaalaha caafimaadka ee haysta waxbarasho sare.

Hawsha shaqo-raadintu way kuu fududaanaysaa haddii aad leedahay hadaf cad oo ku saabsan nooca shaqada ee aad raadinayso. Qaybta ku saabsan «aqoonta iyo shabakadda» waxaad ka akhrisan kartaa samaysashada hadafka ku saabsan dhexgalka bulshada.

Halkee ka helaysaa shaqooyinka ka bannaan Noorway?
Waxa jira meelo badan oo laga ogaan karo shaqooyinka Noorway. Waxay noqon kartaa internetka, saxaafadda, ururada iskaashatooyinka iyo shirkadaha laga helo shaqaalaha ama dirista codsi furan.

Shaqooyinka Noorway waxa inta ugu badan la soo geliyaa internetka. Bogga internetka eeNAV iyo FINN waxaad ka helaysaa shaqooyinka intooda ugu badan. Sida kalena waxaad is diiwaangelin kartaa inaad tahay shaqo-raadiye adiga oo gelinaya CV iyo nooca shaqada aad rabto si markaa laguugu soo diro shaqooyinka cusub ee ku khuseeya. Isla markaana shaqooyinka Noorway waxaad ku raadin kartaa dhowr luuqadood oo kala duwan iyagoo ku jira http://eures.europa.eu.

Shirkadoo badan oo noorweyji ah ayaa leh boggag internet waxaanay doortaan inay shaqooyinka bannaan soo geliyaan boggooda oo iska dhaafaan soo gelinta meelaha kale. Waxaad isticmaali kartaa «Gule Sider» oo ku jira internetka si aad u hesho ciwaannada internetka ee shirkadaha.

Wargeysyada Noorway waxa marar badan laga helaa xayeysiin shaqo, waxaana wacnaan karta inaad eegto iyaga haddii aad tusaale ahaan heli karto wargeys ka soo baxa meeshaad degantahay.

Ururrada iskaashatooyinka ah ayaa iyana laga helaa macluumaad ku saaban shaqo-raadinta. Iskaashatooyinka qaarkood, tusaale ahaan LO, ayaa soo saara wargeysyo xirfadeed oo ay ku qoranyihiin shaqooyin bannaan.

Haddii aad raadinayso shaqooyin ama xirfado gaar ah waxa wacnaan karta inaad iska diiwaangeliso shirkadaha keena shaqaalaha ee gaarka loo leeyahay. Waxa ka mid ah:

Waxa kale oo Noorway ka jira suuq shaqo oo aan rasmi ahayn, taasoo macnaheedu yahay inay jiraan shaqooyin badan oo aan laga diiwaangelin meelo kale ama la xayeysiinin. Qaababka lagu ogaan karo shaqooyinkaas waxa ka mid ah in codsi furan loo diro shirkadaha qofku u arko inay khuseeyaan. Isla markaana waxa wacnaan kara inaad wacdo shirkadda kadib marka aad dirto codsi, si aad ula socoto. Xasuuso inaad markasta raaciso CV-ga ugu dambeeyey, oo ku qoran noorweyji ama ingiriisi, iyo cadaymaha shaqooyin hore, shahaadooyin iwm.

CV, codsi iyo waraysi
Si aad u hesho shaqada aad rabo waxa wacan inaad ku fiicantahay samaynta CV, qorista codsiga iyo waraysiyada shaqada.

  • CV – Halkan waxaad ku sheegaysaa qofka aad tahay iyo noloshaada qaybaha ku saabsan waxbarashada iyo shaqada. Waa in laga helo macluumaad ku saabsan waxa aad taqaano, waxyaalaha aad soo samaysay. Waa inuu ahaado mid fudud, kana kooban ugu badnaan labo bog.
    CV-ga ka dhig mid loo diyaariyay shaqada aad codsanayso si macluumaadku u noqdo mid cusub oo khuseeya shaqada.
  • Codsiga – Noorway waxa ka caadi ah in codsiga shaqada la raaciyo CV-ga. Codsigaas waxaad ku sheegaysaa waxa kugu dhiirigeliyey inaad codsato shaqada, sababta adiga laguu siinayo shaqada, adigoo tilmaamaya waxyaalaha aad hore u soo samaysay, iyo sababta aad u tahay qof u qalma shaqada. Ogow, ma loo baahna in codsiga mar kale lagu sheego waxyaalaha ku qoran CV-ga, laakiin wuu sii faahfaahin karaa meelaha qaarkood.
  • Wareysiga shaqada – In laguugu yeero wareysi micnaheedu waa in loo shaqeeyaha uu u maleynayo inaad qaban karto shaqada. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in laga fikiro jagada; xusuusnow CV, codsi iyo xayaysiis shaqo. Si gaar ah u sheeg, isticmaal tusaalooyin wanaagsan si aad u muujiso waxaad sameyn karto, ka fikir ku habboonaanta booska aad codsaneyso.

Haddii ay kugu yartahay khibradda codsi qorista, samaynta CV ama aad u baahantahay tabobar ku saabsan waraysi shaqo waxa jira talooyin badan oo laga helayo internetka ama fursado bilaash ah oo kooras ah. Caritas Noorway waxay haysaa dhowr fursadood oo bilaash ah sida kooraska shaqo-raadinta, abbaanka suuqa shaqada, kooras kombuutar, kooraska qorista CV-ga iyo codsiyada shaqada, iyo tilmaansiin u gaar ah qofka iyo waxyaalo kale oo badan. Eeg bogga internetka ee Caritas haddii aad rabto macluumaad kale ama nagala soo xidhiidh chat-ka halkan.

NAV kan hjelpe deg med veiledning om jobbsøking og arbeidslivet. Det er et NAV-kontor i hver kommune. NAV tilbyr kompetansehevende kurs: for eksempel regnskapskurs, pleie og omsorgskurs, barnehagekurs, kafe og kantinekurs, jobbklubber, osv. NAV hjelper deg med CV og jobbsøknader. NAV kan også hjelpe deg med å finne praksis og jobb. Klikk her for mer info: www.nav.no

Xuquuqda ay leeyihiin shaqaalaha Noorway

Waxa muhiim ah inaad ogaatid xuquuqda aad leedahay markaad ka shaqayso Noorway, weliba marka aad heshay shaqo oo aad saxeexayso heshiiska shaqada. Hay’adda Kormeerka Goobaha Shaqada ayaa ku siin karta dhammaan macluumaadkaad u baahantahay ee ku saabsan xuquuqda aad leedahay marka la eego mawduucyada kala duwan ee shaqada sida heshiishka shaqada, mushaharka, fasaxa, hawlgabnimada da’da iwm. Adeegga tilmaansiinta/chat-ka ee Caritas waxaad jawaab u ka heli kartaa su’aalahaaga ku saabsan shaqadaada iyo xuquuqda aad ku leedahay Noorway. LO waxay samaysay buug-yaraha shaqada oo aad ka heli karto xuquuqda ugu muhiimsan ee aad leedahay.

WAXBARASHO

Sidee loo galaa waxbarashada sare

Haddii aad rabto inaad waxbarasho sare ka qaadato Noorway adiga oo ajnabi ah waxa wacan inaad, sida ugu dhakhsaha badan, barato shuruudaha uu kaa rabo nidaamka ka jira Noorway. Waxa jira dhowr wax oo la rabo in la diyaariyo ka hor intaanad bilaabin waxbarashada sare, isla markaana hawsha waxbarashada sare lagu galo waxay noqon kartaa mid adag oo wakhti badan u baahan. Samir yeelo oo raadso caawin/tilmaan, adigoo isticmaalaya adeegga tilmaan-siinta ee Caritas ee internetka/telefoonka ama adiga oo la xidhiidh la samaynaya meelaha ay su’aalahaagu khuseeyaan.

Halkan waxannu ku soo ururinay macluumaadka loo baahanyahay ee ku saabsan waxbarashada Noorway iyo ciwaannada boggag internet oo aad ka helayso faahfaahinno dheeraad ah oo ku saabsan mawduuc kasta. Ogow, inta badan boggaga internetku waxay ku qoranyihiin af-noorweyji ama ingiriisi, markaa haddii aanad si wacan u aqoonin luuqadahas waxaad la soo xidhiidhi kartaa adeeggayaga tilmaasiinta ah, oo aad wadahadal qoraal ah (chat) ku samayn kartid afkaaga hooyo.

Halkan waxa si kooban loogu sharraxayaa waxbarashada Noorway oo shan tallaabo u qaybsan loona kala horaysiiyey sida ugu macquulsan. Ogow in xaaladdaadu si buuxda ama si qayb ah uga gedisnaan karto waxyaalaha halkan lagu sharraxayo. Isla markaana waxa dhici karta in qofku is raacin karo dhowr tallaabo ama meel dhexe ka bilaabi karo hawsha.

Halka hoose waxaad taaban kartaa tallaabo kasta oo waad eegi kartaa fursadaha aad haysato. Tallaabada u horaysa waxa weeye inaad ogolaansho joogitaan ka hesho Noorway si aad u qaadan karto waxbarasho sare. Tallaabada labaad, waxaad helaysaa macluumaadka aad u baahantahay ee ku saabsan waxbarashooyinka aad ku soo qaadatay waddamo kale. Tallaabooyinka saddexaad iyo afaraad, waxannu kuu sharraxynaa shuruudaha ku saabsan luuqadda, shahaadada madooyinka guud ee lagu galo waxbarashada sare iyo qaadashada madooyin lagu diyaarinayo shahaadadaas. Ugu dambayntii waxannu soo bandhigaynaa habka loo codsado waxbarashada la rabo loona helo boos waxbarasho sare ah.

Ogow inaad iskaa wax badan qabsan karto, sida kordhinta dadka aad taqaano iyo barashada luuqadda. Maantaba ku dhaqaaq hadafkaaga!

Waddan kasta waxa uu leeyahay nidaam waxbarasho oo u gaar ah.Waxa jiri kara waxbarashooyin lagu qaato jaamacadaha ama machaddada sare ee Noorway, laakiin waddamo kale lagu qaato dugsiyada sare. Waxa tusaale ahaan ka mid ah waxbarashooyinka kaalkaaliyaha caafimaad ama macalinka dugsiyada hoose/dhexe. Xataa waddamada Yurub waxa ka jiri kara nidaamyo kala duwan, taasoo sabab u noqon karta in si khaldan wax loo fahmo. Markaa waxa haboon in la qiimeeyo waxbarashada iyo xirfadda qofku wato oo la barbardhigo waxbarasho la mid ah oo laga helo Noorway si markaa gebi ahaan ama qayb ahaan loogu aqoonsado inay ka mid tahay waxbarasho lagu qaato Noorway.

NOKUT ayaa aqoonsan karta waxbarashada sare ee lagu soo qaatay waddamada kale marka laga reebo xirfado sharcigu nidaamiyo oo u baahan shati gaar ah.

Waxa jira nidaamyo kala duwan oo lagu aqoonsado waxbarashada. Ogow, waxbarashadaada iyo waxa aad ku isticmaali doontid waxbarashada ayaa u muhiim ah nidaamka aqoonsiga ee aad isticmaalayso. Halkan waxa aynu ku eegi doonaa waxyaalo muhiim ah oo ay ku kala duwan yihiin. Ma la hubo inay aqoonsan doonaan waxbarashada aad ku soo qaadatay waddankaagii.

  • Aqoonsiga guud ee waxbarashada sare: Waxa loogu talogalay qofka digirii ka soo qaatay jaamacad ama machad sare, ama soo qaatay qaybo ka mid ah waxbarasho sare.
  • Aqoonsiga waxbarashada xirfadda ah: Waxa loogu talogalay qofka dhammeeyey waxbarasho xirfad ah (tusaale ahaan nijaar, tuubiste, timojare iyo rinjiile).
  • Nidaamka dadka haysan dhukumentiyo la soo xaqiijin karo (nidaamka UVD):: Nidaam loogu talogalay dadka aan cadayn karin waxbarashadooda.
  • Qiimaynta aqoonta ku salaysan khibradda: Aqoonta ka timi khibraddu waa dhammaan aqoonta qofku ka helay shaqooyinka uu soo qabtay ee lahaa ama aan lahayn mushahar, aqoon korodhsi, hawlahii xilliyada firaaqada ama waxyaalo kale oo u sii dheer aqoonta lagu xaqiijiyey waxbarasho aasaasi ah.
  • Aqoonsiga xirfadaha sharcigu nidaamiyo: Waxa loogu talogalay qofka u baahan in la siiyo shatiga xirfad uu sharcigu nidaamiyo. Tusaale ahaan dhakhtar, sharci-yaqaan, ama xisaabiye. Taabo halkan si aad u aragtid liis ka kooban xirfadaha sharcigu nidaamiyo.

Baasaboorka Aqoonta ee qaxootiga
Fursadani waxay ku haboontahay qofka aan ka qaybgeli karin nidaamka aqoonsiga guud ee NOKUT, isla markaana aan hoos iman karin nidaamka UVD.

  • Haddii aanad aqoon kugu filan u lahayn af-ingiriisiga, af-noorweyjiga ama luuqad kale oo iskaadinayfiyaan ah.
  • Haddii aanad haysan ogolaansho joogitaan oo rasmi ah
  • Haddii aanad haysan waxbarasho sare oo aad dhammaysay

Baasaboorka aqoontu waxa uu ka koobanyahay macluumaad ku saabsan waxbarashadaada ugu saraysa, khibrada shaqada, aqoonta luuqadaha, iyo talooyin iyo tilmaamo ku saabsan waxyaalaha aad u sii gudbi karto. Baasaboorka aqoontu waxa uu shaqaynayaa saddex sanno. Waxa hadafku yahay inaad muddadaas ku bilowdo shaqo ama waxbarasho sare, ama aad kordhiso aqoonta luuqadaha, ama haddii aad u baahantahay aad fursad u hesho inaad codsatid aqoonsi waxbarasho oo rasmi ah ama shati xirfadeed. Si ay suurtagal u noqoto waa inaad marka hore aad NOKUT ka codsatid aqoonsiga waxbarashada sare.

Shahaadada guud ee lagu galo waxbarashada sare ayaa ah shuruudka lagu galo waxbarashooyinka sare ee Noorway. Waxbarashada sare waa jaamacadaha iyo machadada sare. Taas oo macnaheedu yahay in qofku u baahanyahay shahaadada guud haddii uu rabo inuu Noorway ka helo boos waxbarasho sare ah. Waxaad eegi kartaa liiska GSU oo aad ku arki karto shuruudadaha khuseeya waddankaaga.

Dadka Noorway ku jooga qaxootinimo ama wax la mid ah, oo aan keeni karin cadaymaha waxbarashada iyo shaqooyinka ay ka soo qabteen waddankooda hooyo waxay heli karaan shahaadada guud oo ku salaysan xeerka 23/5 iyadoo qofka laga dhaafayo shuruudaha ku saabsan in qofku haysto ugu yaraan shan sanno oo ah khibrad shaqo iyo/ama waxbarasho ah.

Haddii weli aad ka shakisantahay inaad buuxinayso shuruudaha shahaadada guud, waxa tilmaamo kuu gaar ah ku siin kara Adeegga Qorista Jaamacadaha iyo Machadada sare ee Noorway (samordnaopptak). e-boos u dir: sokerinfo@samordnaopptak.no ama wac 21495609. Caritas ayaa sidoo kale kaa caawin karta inaad hesho jawaabaha su’aalahaaga.

Marka aad cadayn karto inaad buuxinayso shuruudaha shahaadada guud iyo luuqadaha, waxa aad caadi ahaan codsan kartaa inaad soo gasho waxbarashada sare ee aad rabto. Laakiin waxbarashooyinka qaarkood waxa qofka laga rabaa inuu buuxiyo shuruudo dheeraad ka hor intaanu codsan waxbarashada. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan arrintan waxaad ka helaysaa bogga internetka ee goobta waxbarashada iyo hoosta qodobka soo socda oo ah «codsiga waxbarashada sare».

Haddii aanad buuxin shuruudaha shahaadada guud, waxaad codsan kartaa in laguu qiimeeyo khibraddaada. Waa inaad 25 sanno jir ama in ka badan noqonayso sannadka aad codsanayso isla markaana aad haysato aqoon khusaysa waxbarashada aad rabtid, oo beddeli karta shuruudaha caadiga ah ee lagu galo waxbarashada. Shaqooyinka ama hawlaha samofalka ah, waxbarashada ama khibradda ka soo shaqaynta ururrada/hay’adaha/shirkadaha ayaa ah tusaalooyin ka mid ah aqoonta laga helo khibradda. Goobta waxbarashada ayaa awood u leh inay ogolaato in laguu qiimeeyo khibradaada iyo in kale.

Waddanka Noorway waxa codsiyada ku saabsan ogolaanshaha joogitaanka ka masuul ah UDI (Hay’adda Agaasinka Arrimaha Ajnabiga)(Hay’adda Agaasinka Arrimaha Ajnabiga). Waxyaalaha lagu codsan karo ogolaansho joogitaan waxay noqon karaan waxbarasho sare, shaqo, midayn qoys, magangelyo caalami ah, booqasho ama au apair (caawiye guri). Qiyaasta wakhtiyada la sugayo jawaabta kiisaska UDI waxaad ka heli kartaa halkan.

Marka uu qofku helo ogolaansho joogitaan oo ku salaysan mid ka mid ah sababaha kor lagu soo sheegay, waxa caadi ahaan qofku helayaa xuquuq iyo waajibaadyo kala duwan. Tusaale ahaan, haddii qofka la siiyo ogolaansho joogitaan oo ku salaysan waxbarasho sare oo lagu qaadanayo Noorway waxa qofka caadi ahaan loo ogolaan karaa inuu shaqo mushahar leh ka shaqeeyo saacado kooban toddobaad kasta. Go’aan kasta oo ku saabsan joogitaan oo ka soo baxa UDI waa mid u gaar ah qofka, taas darteed waxa aad u muhiim ah inaad sugto qoraalka go’aankaaga kadibna lagaa caawiyo inaad si wacan turjumato oo u fahanto. Waxa jira ururo kala duwan oo aad la xidhiidhi kartid si lagaaga caawiyo fahamka go’aanka codsiga.

Caritas ayaa ku caawin karta, oo kaa caawin karta wadahadal qoraal ah (chat) oo ku jira enfase.no ama telefoonka 40428450. Ama waxaad nagu soo booqan kartaa xaruntayada ku taala Oslo (Ressurssenteret i Oslo).

Ururka u Dooda Magangelyo-doonayaasha Noorway, NOAS, ayaa kaa caawi karta inaad fahanto go’aanka codsiga magangelyokuuna sheegi karta xuquuqda ka cabashada go’aanka ee aad leedahay. Waxaad NOASka wici kartaa 22365660.

Macluumaad kale oo ku saabsan sababaha lagu codsan karo ogolaansho joogitaan, muddooyinka la sugo jawaabaha iyo tusaale ahaan shuruudaha lagu xidho cadaynta/dhukumentiyada waxaad ka helaysaa boggaga internetka ee UDI: www.udi.no ama haddii aad wacdo adeegga macluumaadka ee UDI veiledningstjeneste oo lambarkiisu yahay 23351600, isniin, salaasa, khamiis iyo jimce saacadaha 09:00- 14:30.

Qof kasta oo raba inuu soo galo jaamacadaha iyo machadada sare waa inuu buuxiyo shuruudaha aqoonta luuqadaha noorweyjiga iyo ingiriisiga.

Af-noorweyjiga

Shuruudaha aqoonta af-noorweyjigu waa in qofku uu heerka B2 ka gaadho dhammaan afarta qaybood ee imtixaanka. Heerarka kala duwan iyo qaybaha waajibka ah ee imtixaamka waxaad arki kartaa haddii booqatid bogga internetka eeKompetanse Norge. Waa tan sharraxaad kooban oo ku saabsan heer kasta:

  • A1- Fahanka iyo isticmaalka weedhaha la wada yaqaano ee caadiga iyo hadallo aad u fudud.
  • A2- Ka qaybgalka wadahadallo fudud oo ku saabsan hawlaha caadi ah oo ka mid ah waxyaalo qofku yaqaano.
  • B1- Waxa qofku fami karaa macnaha guud ee qoraal iyo hadal ku saabsan mawduucyo uu garanayo oo uu inta badan kula kulmo shaqada, iskuulka iyo wakhtiga firaaqada.
  • B2- Waxa qofku fahmi karaa nuxurka muhiimka ah ee ku jira qoraalo iyo doodo cilmiyeed oo ka mid ah waxa uu bartay.
  • C1- – Waa heer aqooneed oo sare oo loo baahanyahay marka laga shaqaynayo waxbarasho ama shaqooyin adag.

Marka lagu dejiyo degmo, waxaad bilaabi doontaa barmaamijka bilowga ee ajbaniga cusub halkaas oo lagugu barayo luuqadda iyo arrimaha bulshada. Macluumaad kale oo ku saabsan dejinta iyo barmaamijka bilowga waxaad akhrisataa hoosta «Bulshada». Waxa jira koorasyo kale oo lagu barto af-noorweyjiga: Waa kan liis ka kooban barmaamijyada kale:

Ingiriisi
Shuruudaha aqoonta luuqadda ingiriisiga waxay la mid yihiin ka gudubka tijaabooyinka ay ka mid yihiin TOEFL, IELTS, Cambridge ESOL Examinations ama The European language certificate. Qofku wuu buuxin karaa shuruudaha luuqadda haddii uu tusaale ahaan cadayn karo inuu dhammeeyey digirii master ah iyadoo wax lagu baraney luuqadda ingiriisiga, ama uu dhammeeyey digirii bachelor ama master ah oo waxbarashada inteeda badan lagu baranayey ingiriisi ama uu dhammeeyey waxbarasho hal sanno oo dugsi sare ah ama waxbarasho sare oo lagu soo qaatay waddamada ay luuqadda koowaad tahay ingiriisiga.

Adeegga Qorista Jaamacadaha iyo Machadada sare ee Noorway (Samordnaopptak) ayaa ka masuul ah inay maamusho codsiyada so gelitaanka waxbarashada sare. Waxaad samaysan kartaa magac, kadibna waad geli kartaa oo waxaad xarayn kartaa codsiga, isla markaana waxaad gelin kartaa dhammaan dhukumentiyada loo baahanyahay. Marka la codsanayo waxbarashooyinka sare ee Noorway waxa loo baahanyahay shahaadada guud ee lagu galo waxbarashada sare, aqoonta af-noorweyjiga iyo ingiriisisa ee la rabo iyo dhukumentiyo sax ah, eeg qodobka kore.

Liiska waxbarashooyinka 2020 waxaad tusaale ahaan ka arki kartaa waxbarashooyinka jira iyo shuruudaha la rabo sannadka 2020: https://sok.samordnaopptak.no/

BULSHO

Ku noolaanshaha Noorway

Noorwayda casriga ah waa bulsho lagu yaqaano kafaalo-qaad, sinnaan iyo xaaladda dhaqaale oo degan. Isku mid noqoshada iyo qiimo-sinnaanta ayaa ah qiyam si dhow ugu xidhan qarankan casriga ah ee ku salaysan kafaalo-qaadka. Taas oo macnaheedu yahay in iyadoo aan la eegayn jinsiga, nolol jinsiyeedka, qoomiyadda ama awooda laxaadka ee qofka, in dhammaan dadka degan waddanku helaan xuquuq isku mid ah. Noorway waxa loo aqoonsaday inuu ka mid yahay waddamada ugu wanaagsan dhinaca sinnaanta iyo xaalad-nololeedka iyadoo ay haweenka ku dhawaad boqolkiiba 70 shaqeeyaan.

Noorway waa boqortooyo dastuuri ah oo haysata habka baarlamanka, oo dimuqraadi ah isla markaana maamul ahaan mid ah. Marka si kooban loo sheego waxa ay macnaheedu tahay in awooda iyo dawladnimada ku qoran dastuurka loo kala qaybiyey xukumadda, Stortinget (baarlamaanka) iyo maxkamadaha. Degmooyinka iyo gobolladu waxay leeyihiin keliya awooda uu Stortinget uu siiyo dawladaha degmooyinka iyo gobollada iyadoo uu soo saarayo xeerar u gaar ah.
Noorway waa dimuqraadiyad metelaad ah. Taas oo macnaheedu yahay in shacabku dooranayo wakiillada ka tirsanaan doona Stortinget, golaha gobolka iyo golaha deegaanka oo lagu dooranayo doorashooyin guud. Xaqa codbixinta xilliga doorashooyinka ee Noorway waa mid guud. Waxa shuruud ah in qofku buuxsamay 18 sanno jir isla markaana yahay muwaadin Noorweyji ah xilliga doorashada baarlamaanka, halka ay xataa ajnabigu codayn karaan xilliga doorashooyinka degmooyinka iyo gobollada. Waa in qofku uu Noorway degannaa ugu yaraan 3 sanno ka hor maalinta doorashada. Waxa dimuqraadiyada u muhiim ah in dadka xaq u leh inay codeeyaan ay si firfircoon uga qaybqaatan doorashada. Halkan ka akhriso macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan doorashada iyo xaqa codbixinta..

Gobollada iyo degmooyinka
Noorway wuxuu ku qaybsanyahay 11 gobol iyo 356 degmooyin. Si fudud ayaa Google uga raadin kartaa degmada iyo gobolka uu ka tirsanyahay cinwaanka aad degantahay. Sidaas ayaad kula socon kartaa waxyaalaha ka socda meesha aad degantahay oo aad kula socon kartaa doorashada deegaankaaga ee aannu hore u soo sheegnay.

Qoysku waxa uu ahaan karaa mawduuc u muhiim ah hawsha dhexgalka Noorway ee aad wado. UDI ayaa go’aan ka gaadha kiisaska ku saabsan xubnaha qoyska ee u soo guuraya waddanka. Waxay noqon kartaa hawl dheer oo dhib badan, markaa si aannu kuu caawino waxannu halkan si kooban ugu sharraxaynaa shuruudaha lagama maarmaanka ah ee laga rabo qofka, haddii uu rabo in sida ugu wacan la isugu keeno qoyska.

Ka hor intaanad codsan midayn qoys waxa loo baahanyahay inaad hesho ogolaansho joogitaan oo lagu codsan karo midayn qoys, tusaale ahaan go’aan ku saabsan magangelyo. Caritas Noorway iyo Ururka u Dooda Magangelyo-doonayaasha Noorway, NOAS, ayaa ku siin kara caawimo sharciyeed oo ku saabsan go’aanka magangelyada, midayn qoys iyo cabashooyinka. Meelo kale oo aad caawimo ka raadsan kartid waxa ka mid ah JussBuss ama SEIF.

Qaraabada oo dhan ma ku iman karto midayn qoys. Waxa caadi ahaan loogu talogalay xaaska/seyga/qofka kugu lamaan ama carruurta ka yaryar 18 sanno jir.

Si lagaaga dhaafo shuruudka ku saabsan dhaqaalaha ku soo gala, waa inaad codsiga midaynta qoyska la diiwaangeliyo 6 bilood gudahood laga bilaabo taariikhda ku qoran go’aanka magangelyada ee lagaa siiyey Noorway. Codsigaas qaab elektoroonig ah ayaa looga xarayn karaa barta codsiyada ee UDI ku leedahay internetka (UDIs søknadsportal). Muddoo 12 bilod gudahood ah laga bilaabo taariikhda ku qoran go’aanka laguu soo diray adiga, waa in xubnaha qoysku ay codsi iyo dhukumentiyada loo baahanyahay xareeyaan iyagoo toos u tegaya safaarad, qunsuliyad ama xarun codsiyo oo noorweyji ah.

Ogow inaad la xidhiidhi karto adeegga tilmaansiinta ee UDI adiga oo toos u wacaya +47 23 35 16 00 haddii aad qabto su’aalo ku saabaan kiiskaaga ama xeerarka.

Kala badh dadka degan Noorway waxay ka qaybqaataan hawlaha samofalka ah. Dedaalka samofalka ah wuxuu u waxtar u leeyahay dad iyo bulshaba. Shaqooyinka samofalka ah waxa laga heli karaa dhiirigelin, aqoon iyo wanaag uu ka faa’idayo qofka wakhtigiisa la wadaaga dadka kale ee caawiya. Qaab kale oo lagu baran karo af-noorweyjiga ayaa ah in lala kulmo dadka ku nool meesha aad joogto iyo inaad samaysato saaxiibo. Shaqooyinka samofalku ma laha shuruudo adag sida shaqooyinka caadiga ah, iyadoo isla markaana laga faa’idayo aqoon waxtar leh oo loo isticmaali karo shaqooyinka mustaqbalka.

Noorway waxa ka jira ururro iyo hawlo badan oo samofal ah. Xarumaha samofaleyaasha (Frivilligsentraler) ayaa ka jira meelo badan oo ka tirsan Noorway oo waxay tusaale ahaan yihiin goobo lagu kulmo oo isku xidhaya qofka iyo ururo si ay u abuuraan bey’ad samefalayaal oo wacan, fursado hawleed oo wanaagsan iyo wadashaqayn wacan oo lala yeesho bulshada deegaanka. Haddii aad rabto inaad ka qaybqaadato ama aad ogaatid fursadaha jira, waxaad eegi kartaa www.frivillig.no

Caritas waa urur samofale ah oo u baahan samofaleyaal wanaagsan oo dedaalaya si ay dadka ajnabiga u siiso macluumaad iyo fursado. Waxaad shaqooyinkayaga samofalka ah ee bannaan iyo ka qaybgalkooda ka heli kartaa frivillig.no.

De fleste frivillige oppdrag kan man finne på frivillig.no, men også ved å besøke de aktuelle stedene direkte. Frivilligarbeid er ulønnet og har stor variasjon, alt fra informasjonsarbeid, sosialisering, nettverk, opplæring og mye mer. Hvis du lurer på om det å være frivillige er noe for deg, bør du først tenke gjennom hva som engasjerer deg, hvilke saker du er opptatt av og hva slags oppgaver du kunne tenke deg å gjøre. Frivillig arbeid er gjensidig, så det er viktig at du trives med det du gjør! Her kan du finne noen videoer der tidligere frivillige deler sine opplevelser. https://om.frivillig.no/filmer/2016/8/31/frivilligno-mahmod-og-damene-i-botanisk-hage

Dejinta
Degmooyinka Noorway ayaa ka masuul ah inay dejiyaan qaxootiga helay ogolaanshaha joogitaanka oo ka caawiyaan inay dhexgal la sameeyaan bulshada Noorway.
Caadi ahaan inta badan qaxootigu waxay deganyihiin kaam qaxooti ka hor intaan UDI go’aan ka gaadhin codsiga magangelyada. Laakiin dadka qaarkood ayaa doorta inay guri gaar ah degaan inta ay sugayaan jawaabta UDI, markaasna ma helaan kaalmo dhaqaale. Waa waajib in cinwaanka guriga saxda ah loo sheego dawladda Noorway.

Kadib marka go’aan laga gaadho codsiga magangelyada oo qofku helo ogolaansho, waxa degmo la dejiyo u soo helaya Hay’adda Agaasinka Isdhexgalka iyo Kala Duwanaanshaha (IMDi). Hawsha dejinta degmooyinka Noorway waxay qaadan kartaa muddo dheer oo qofba waa si. Qaxootiga da’yarta ah ee keliga ah iyo qoysaska carruurta wata ayaa mudnaanta la siinaya, oo wakhtiga ugu yar sugaya intaan ka dejin degmo.

Sidee loo go’aaminayaa degmada kugu haboon?
Shaqaalaha ka shaqeeya kaamka ay qaxootigu joogaan muddada codsiga ayaa bilaabaya u kuurgalka baahida qofka qaxootiga ah, aqoontiisa iyo macluumaadka kale ee khuseeya mustaqbalka qaxootiga ee Noorway. U kuurgalkani wuxu noqonayaa shay muhiim ah oo IMDi isticmaalayso si ay u raadiso degmo ku haboon marka ay wado hawsha dejinta. IMDi waxay tusaale ahaan tixgelisaa in qofka qaxootiga ah uu leeyahay qof qaraabo ah oo hore u joogay Noorway.

Marka IMDi ay gaadho go’aan ku saabsan dejin, waxa qofku helayaa koobiga go’aanka oo ay ku qorantahay taariikhda la samaynayo dejinta. Qofka waxa la siinayaa keliya hal fursad oo dejin ah, oo aan laga soo gudbin karin cabasho. Taas darteed waxa muhim ah inaad shaqalaha kaamka u sheegto dhammaan macluumaadka kugu saabsan marka ay wadaan u kuurgalka xaaladaada. Waad diidi kartaa fursadda dejinta ee IMDi ku siiso oo iskaa ayaad isu dejin kartaa meelo kale oo waddanka ka mid ah. Arrintaasi waxay keenaysaa inaad weydo xaqa gelitaanka barmaamijka bilowga iyo lacagta barmaamijka lagu bixiyo, oo aad markaasna isku filaato dhaqaale ahaan adiga oo wax dhaqaale ah ka helaynin dawladda. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dejinta ka akhriso bogga internetka ee IMDi.

Barmaamijka bilowga ee ajnabiga
Marka qofka la dejiyo degmo waxa la rabaa in degmadu ay u fududayso barmaamijka bilowga oo soconaya ilaa labo sanno. Waa fursad loogu talogalay qaxootiga iyo ehelkooda la midooba ee u dhexeeya da’da 18 iyo 55 sanno.
Barmaamijka bilowga waxa lagu baranayaa aqoon aasaasi ah oo ay ka mid yihiin af-noorweyjiga aasaasiga ah, in si guud loo fahmo habka ay u shaqayso bulshada Noorway iyo u diyaargaraynta ka qaybqaadashada suuqa shaqada. Qofka waxa la siinayaa lacagta barmaamijka bilowga inta uu ku jiro barmaamijka bilowga. Lacagtu waxay u dhigantaa labo jeer cadadka aasaasiga ah ee Caymiska Qaranka marka ka qaybgalahu ka weynyahay 25 sanno jir.

Qaxootiga haysta waxbarasho sare waxay haystaan, iyagoo marka hore ba waxbarashada sare u codsan kara si la mid ah dadka kale (in kale ka sii akhriso maktabadda meesha ka hoosaysa «waxbarasho»), fursado u gaar ah ay siinayaan jaamacadaha iyo machadada sare oo qayb ka noqon kara barmaamijka bilowga. Liiska fursadahaas waxaad ka helaysaa IMDi.

In si wacan loo yaqaano luuuqadaha ayaa muhiim u ah waxbarashada iyo shaqada. Taas darteed waa muhiim inaad barashada af-noorweyjiga bilowdo sida ugu dhakhsaha badan. Dawladdu waxay qofka u dhexeeya 16 iyo 67 sanno jir ee haysta ogolaansho joogitaan xaq u siisay isla markaana ku waajibisay barashada noorweyjiga iyo arrimaha bulshada. Dadka la siiyey magangelyo waxay sida kor lagu soo sheegay ka qaybgeli doonaan barmaamijka bilowga ee soconaya 2 sanno, sida kor lagu soo sheegay.

Waxa jira fursado badan oo qofku iskii wax isu bari karo, hawlo ay abaabulaan ururada samaofalka ama fursado ka jira meelaha kuu dhow oo aad isticmaali karto muddada aad sugayso jawaabta codsiga magangelyada, ama xataa haddii lagu dejiyey degmo. Haddii aad degantahay kaam, waxaad shaqaalaha kaamka ka codsan kartaa inay kuu sheegaan ururrada ka hawlgala meesha aad degantahay, maktabadda aad booqan karto, xarumaha hawlaha iyo boggaga internetka ee aad ka baran karto luuqadda. Waxaad la xidhidhi kartaa Caritas oo waxaad weydiin kartaa talooyin ku saabsan sida loo barto af-noorweyjiga.

Meelo badan ayaa haya koorasyo af-noorweyji oo dhowr heer ah oo loogu talogalay qofka weyn ee ajnabiga ah. Waxa jira koorasyo af-noorweyji ah oo la qabto gelinka hore iyo gelinka dambeba ay hayaan dhowr iskuul/urur oo ka tirsan Oslo. Waxa kale oo dadku ka faa’idaysan karaan koorasyo af-noorweyji oo «iska kaalay» ah oo todobaadle ah iyo kafeeyo-luuqadeed oo lagu kulmo.

Xuquuqda caafimaadka
Marka aad tahay qaxooti ama magangelyo-doone waxaad xaq u leedahay in lagaa caawiyo dhibaatooyinka caafimaadka jidhka iyo ka nafsadeed, iyo dhibaatooyinka maandooriyaha. Waxaad isla markaana xaq u leedahay adeegga caafimaadka ilkaha ee lagama maarmaanka ah. Xuquuqdan waxay ka bilaabmaysa marka aad timaado Noorway oo aad codsato magangelyo ama qaxootinimo/midayn qoys.

Dhammaan carruurta ka yar 18 sanno jir ee jooga Noorway waxay xaq u leeyihiin adeegyada caafimaadka iyo daryeelka. Haweenka uurka leh waxay xaq u leeyihiin in la siiyo caawimo caafimaad, dhalmada horteed iyo dabadeed. Haweenka uurka leh waxay xaq u leeyihiin inay helaan dhakhtar ama umuliso iyo inay ku umusho cisbitaal. Haddii aad yeelayo uur aanad rabin, waxaad xaq u leedahay inaad iska soo saarto.

Haddii aad diidmo rasmi ah ka heshay codsigaagii magangelyo ama aad ogolaansho joogitaan ku haysan Noorway, waxaad xaq u leedahay keliya inaad hesho gargaarka caafimaadka ee degdegga ah iyo caawimada caafimaad ee lagama maarmaanka ah ee aan dib loo dhigi karin.
Haddii naftu halis ku jirto, wac 113
Telefoonka cisbitaalka degdegga ah ee Noorway oo dhan waa 116 117

Dhakhtarka joogtada
Dhakhtarka joogtada ah waa dhakhtar kuu gaar ah oo aad booqan karto marka aad rabto daaweyn ama la tashi dhakhtar. Qof kasta oo degan mid ka mid ah degmooyinka waddanka oo ka diiwaangashan diiwaanka dadweynaha wuxuu xaq u leeyahay dhakhtar joogto ah. Laakiin haddii aad tahay magangelyo-doone waad heli kartaa dhakhtar joogto ah haddii aad heshay D-lambar (D-nummer). D-lambar waa lambar aqoonsi, oo la siiyo dadka aan buuxin shuruudaha lagu helo lambarka dhalashada iyo qofka ee caadiga ah.

Dhakhtarka ilkaha
Marka aad tahay magangelyo-doone sugaya jawaabta codsiga magangelyada ama la siiyey ogolaansho joogitaan, waxaad xaq u leedahay in lagu siiyo adeegga caafimaadka ilkaha ee lagama maarmaanka ah. Warayso shaqaalaha kaamka ama shaqaalaha caafimaadka haddii aad rabto macluumaad ku saabsan dhakhtarka ilkaha ee degan agtaada.

Bixinta kharashka adeegyada caafimaadka
Marka aad tahay qof weyn waa inaad iska bixiso qayb ka mid ah kharashka (in u dhaxaysa 150 iyo 200 karoon) marka aad booqato cisbitaalka degdegga iyo dhakhtarka. Ma bixinaysid lacagta jiifka iyo daaweynta cisbitaallada.

Bixinta kharashka dhakhtarka ilkahu waxay ku xidhantahay inaad degantahay kaam taraansit ah ama kaamka caadi ah. Haddii aad degantahay kaam taraansit ah, UDI ayaa bixinaysa kharashka ku baxaya daaweynta loo baahanyahay iyo kharashka ku baxa safarka iyo turjumaan marka loo baahanyahay in ilkaha loo daweeyo si degdeg ah. Haddii aad degantahay kaam caadi ah, waa inaad caadi ahaan iska bixiso kharashka ku baxaya dhakhtarka ilkaha iyo turjumaan. La xidhiidh shaqaalaha kaamka aad degantahay si aad u hesho macluumaadkii u dambeeyey. Haddii aanad deganayn kaam waa inaad iska bixiso kharashka oo dhan.

Carruurta ka yar 16 sanno jir ma bixinayaan qayb ka mid ah lacagta dhakhtarka joogtada ah. Dhakhtarka ilkuhu waa u bilaasha carruurta ilaa iyo marka ay buuxsamayaan 18 sanno jir. Biraha lagu xidho ilkuhu maaha bilaash.
Haweenka uurka leh waxay helayaan caawin caafimaad oo bilaash ah ka hor iyo kadib xilliga dhalmada. Isla markaana haddii aad leedahay uur, ma lagaa rabo inaad lacag bixiso marka aad ku dhalayso cisbitaalka.

Haddii aad diidmo rasmi ah ka heshay codsigii magangelyo, waxa caadi ahaan la rabaa inaad iskaa iska bixiso lacagta adeega caafimaad iyo daweynta cisbitaalka, marka laga reebo caawimada degdegga ah. Waxa sidoo kale bilaash ah marka haweenku umulayaan.
Qof kasta oo degan kaam waxa uu UDI ka codsan karaa kaalmo dhaqaale oo dheeraad ah oo lagu bixiyo kharashka. Arrintani waxay khusaysaa xaalado gaar ah waana in si toos ah looga codsado UDI. La tasho shaqaalaha kaamka iyo shaqaalaha caafimaadka, iyaga ayaa kaa caawin kara hawsha codsiga.

Caawin caafimaad oo la fududeeyey
Marka aad xidhiidh la samayso adeegyada caafimaadka, waa inay shaqaalaha caafimaadku fududeeyaan isfahamkiina xataa haddii lagu kala duwanyahay luuqadaha. Waa in shaqaalaha caafimaadku dalbaadaan turjumaan haddii aad u baahantahay inaad ku hadasho afkaaga hooyo. Turjumaanka iyo caafimaadka shaqaalaha waxa saaran waajib sir-qarin, oo markaa caadi ahaan ma bixin karaan macluumaadka caafimaadkaaga haddii aanad rabin.